Aniga oo ah Senator ka tirsan Aqalka Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kana soo jeeda beesha Biyamaal,

Leylo Nuur Maax
Aniga oo ah Senator ka tirsan Aqalka Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kana soo jeeda beesha Biyamaal, waxaan si cad u caddeynayaa in cabashada Reerka aan af iyo adin
Ugu shaqanayo.
Haddii maamulka Gobolka Banaadir uu ka qaaday beesha Biyamaal xilka Guddoomiyenimo ee degmada Xamar Jajab, waa lagama maarmaan in si degdeg ah oo cadaalad ah loogu magacaabo beesha degmo kale oo matalaad rasmi ah laga siiyo.
Xamar waa magaalo la wada dego, laakin matalaadda beelaha deegaanka asal ahaan u leh lama duudsado.
Waxaa ku lenahay xaq siyaasadeed iyo mid deegaan — waana mid aysan cidina iska indho tiri karin.
Waxaa muuqata in degmada Xamar Jajab lagu wareejiyay beel kale. Haddii taasi tahay siyaasadda Gobolka, waa in beesha Biyamaal si buuxda u heshaa beddelkeedii — degmo rasmi ah oo la mid ah awood ahaan iyo muhiimad ahaan.
Ma aqbaleyno in matalaaddeena maamulka laga tirtiro Gobolka Banaadir
Waxaan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir si toos ah uga codsanayaa:
si degdeg ah in loogu magacaabo beesha Biyamaal guddoomiye cusub oo degmo kale oo ka mid ah gobolka.
In shacabka la tuso in maamulka gobolka uu ku dhisan yahay cadaalad iyo sinnaanta beelaha deegaanka.
In laga fogaado ficillo dhaawacaya is-aaminaadda siyaasadeed ee bulshooyinka gobolka degan.
Dowladnimo micnaheedu waa dhexdhexaadnimo,ee ma aha in la buuxiyo kursi mid lagu cawinayo midna lugu dulminayo.