Somalia oo noqotay dalka labaad ee Afrika oo kooxaha xag-jiriintu ku dilaan dadka ugu badan.

Warbixin kasoo baxday Xarunta Daraasaadka Istiraatiijiga ee Afrika (ACSS) ayaa lagu shaaciyay in Somalia kaalinta 2-aad ka gasha dalalka Afrika ee kooxaha xagjiriinta ka geysteen dhimashada ugu badan.
Guud ahaan 10-kii sano ee ugu danbeysay kooxahaani waxay Afrika ku dileen in ka badan 155,000 qof marka la eego howlgaladii ay ka sameeyeen dalalka kala duwan ee afrika. Dalalka ugu badan ee dhibaatadu ka dhacday ayaa lagu kala sheegay Soomaaliya, Waqooyiga Afrika, Mozambique iyo aagga harada Chad,warbixinta waxay tilmaamtay in inta u dhaxaysay 2016 ilaa 2019, celcelis ahaan 10,774 qof ay sannadkii u dhinteen weerarro la xiriira kooxahani.Sidoo kale Intii u dhaxaysay 2019 ilaa 2022, tiradaasi waxay kor ugu kacday 13,950, halka laga bilaabo 2022 ilaa 2025 ay sare u dhaaftay 22,315 sannadkii. Warbixinta kasoo baxday Xarunta Daraasaadka Istiraatiijiga ee Afrika waxaa sidoo kale lagu sheegay Sannadkii la soo dhaafay oo kaliya, 22,307 qof ayaa lagu dilay weerarro lala xiriirinayo kooxahan, waana heerkii ugu sarreeyay ee la diiwaangeliyo tan iyo 2023.
Qiimeynta dhimashada waxaa Soomaaliya ka horeeya oo kaalinta 1-aad galay Saaxilka waxaana lagu dilay 10,685 qof, halka Soomaaliya ay kaalinta labaad ku jirto iyadoo laga diiwaangeliyay 7,289 dhimasho.