Read Time:35 Second
Wefti ka socda dawladda Turkiga ayaa lagu soo warramayaa in ay gaadheen magaalada Boosaaso ee xaruunta ganacsiga Putland si ay wada hadal ula yeeshaan madaxda ugu sarraysa dawladda Putland.
Wada hadalkan ayaa diirada lagu saarayaa in Putland sii dayso Markabkii hubka lagu qabtay ee Sea World oo haatan ku xidhan dekedda magaalada Boosaaso.
Turkiga ayaa doonaya in Putland si nabad ah u sii dayso Markabkan oo bishii hore lagu soo qabtay xeebaha Bareeda ee gobolka Bari kaas oo siday hub aad u badan.
Arrinkan ayaa meesha ka saaray hanjabaddii ka timi dawladda Soomaaliya taas oo Putland ka dalbatay in ay shuruud la’aan ku sii dayso Markabkaas.
Wixii xog ka soo koradha wada hadalladan kala soco Gallaydh TV