Dawladda Maraykanka ayaa lagu wadaa in ay samayso talis madax bannaan oo ah ciiddamo u qaabilsanaan doona qaaradda Afrika kuwaas oo xaruuntoodu noqon doonto qaaradda Afrika.

Dawladda Maraykanka ayaa lagu wadaa in ay samayso talis madax bannaan oo ah ciiddamo u qaabilsanaan doona qaaradda Afrika kuwaas oo xaruuntoodu noqon doonto qaaradda Afrika.
Taliskan cusub oo loogu tala galay in lagaga hor tago is balaadhinta iyo saamaynta dalalka Shiinaha iyo Ruushka ayaa noqonaya mid si dhow ula shaqeeya waddamada Afrika.
Dalal ay ka mid yihiin Morocco, Masar iyo Rwanda ayaa si weyn u doonaya in ay noqdaan xaruunta laga maamuulayo taliskan cusub.
Golaha Senate ka ee dalka Maraykanka oo dhowaan ansixiyey Taliyaha cusub ee ciidana AFRICOM ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan yahay sidii looga hor tegi lahaa saamaynta sii kordhaysa ee Beijing iyo Moscow oo muddooyinkii dambe galaan gal aad u badan ku lahaa qaaradda Afrika.
Gallaydh TV