Madaxweynaha Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cirro ayaa maanta goob joog ka ahaa dhaarinta Garyaqaanka Guud

Madaxweynaha Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cirro ayaa maanta goob joog ka ahaa dhaarinta Garyaqaan Cabdirisaaq Maxamed Siciid oo si rasmi ah uga mid noqday xubnaha Guddida doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland isaga oo buuxin doona booskii Guddida ka bannaanaday.
Dhaarintan Dastuuriga ah oo uu Guddoomiye Aadan Xaaji Cali uu mariyey xubinta guddida ku biirtay waxa goob joog sidoo kale ka ahaa guddoonka iyo xubnaha kale ee guddida doorashooyinka Somaliland.
Gudddida doorashada oo haatan la buuxiyey xubintii ka bannaantay waxa la filayaa in ay dhowaan war ka soo saaraan arrinka doorashooyinka isku sidkan ee Wakiilada iyo Deegaanka taas oo ku muddaysan badhtamaha sannadka dambe ee 2026-ka.
Gallaydh TV