Dagvin Anderson, oo dhawaan loo ansixiyey inuu noqdo Taliyaha Cusub ee Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), ayaa sheegay in dawladda Mareykanku ay dan weyn ugu jirto in ay xidhiidh la yeelato Somaliland.

Dagvin Anderson, oo dhawaan loo ansixiyey inuu noqdo Taliyaha Cusub ee Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), ayaa sheegay in dawladda Mareykanku ay dan weyn ugu jirto in ay xidhiidh la yeelato Somaliland. Taliyaha cusub wuxuu arrintan ka sheegay mar uu hortagay Golaha Senate-ka Mareykanka, isagoo su’aalo laga weydiiyey qorshihiisa iyo aragtidiisa ku aaddan siyaasadda Mareykanka ee qaaradda Afrika.
General Dagvin Anderson ayaa xusay in mid ka mid ah mudnaanta shaqadiisa cusub ay tahay ka hortagga saameynta sii ballaadhanaysa ee ay Shiinaha iyo Ruushku ku leeyihiin Afrika. Arrintaas darteed, ayuu sheegay, waxaa lagama maarmaan noqotay in Mareykanku uu dib u eegis ku sameeyo xidhiidhkiisa gobollada muhiimka ah, gaar ahaan kuwa leh istaraatijiyad muhiim u ah amniga iyo danaha Mareykanka.
General Anderson wuxuu si gaar ah u tilmaamay muhiimadda uu leeyahay xidhiidh la la yeelasho Somaliland, isagoo yidhi “Waxaan aaminsanahay in ay dan noogu jirto in aan xidhiidh la yeelano Somaliland.”
Sidoo kale, wuxuu caddeeyey in AFRICOM ay diyaarinayso qiimayn rasmi ah oo la xidhiidha nooca xidhiidh ee ay la yeelan karaan Somaliland. Qiimayntaas ayaa noqon doonta mid lagu ogaanayo sida ugu habboon ee labada dhinac uga wada shaqayn karaan danaha amni, ganacsi iyo istiraatijiyadeed ee gobolka Geeska Afrika.
Hadalkan kasoo yeedhay Taliyaha cusub ee AFRICOM ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan dadaallada Somaliland ay ku raadinayso aqoonsi caalami ah iyo iskaashi militari ama mid istiraatiiji ah oo ay la samayso waddamada reer galbeedka, gaar ahaan Mareykanka.