Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

October 5, 2025

Trump ayaa saxiixay amar fulineed cusub oo lagu soo rogay canshuur dheeri ah oo dhan 25% Dalka India

0 0
Read Time:49 Second

Trump ayaa saxiixay amar fulineed cusub oo lagu soo rogay canshuur dheeri ah oo dhan 25% oo lagu beegsanayo badeecooyinka laga keeno dalka Hindiya, taasoo uu ku sheegay ciqaab ay Hindiya ku mudataysatay kadib markii ay sii wadday iibsashada shidaalka Ruushka, isagoo yiri ; โ€œHaddii ay Hindiya rabto xiriir dhaqaale oo dhow oo ay nala yeesho, waa inay si dhab ah u muujisaa saaxiibtinimo. Ma ahan mid la aqbali karo in ay si joogto ah u iibsato shidaal Ruush ah, taasoo si toos ah u taageeraysa miisaaniyadda dagaalka ee Putin.โ€

Goโ€™ankan, kaddib wax badan ma qaadan inay Hindiya soo baxdo oo ka falceliso, iyadoo warsaxaafadeed ay baahisay wasaaradda arrimaha dibadda Hindiya , lagu sheegay goโ€™aan sharci darro ah oo aan la aqbali karin canshuurta dheeraadka ah ee Trump uu soo saaray , balse waxay Hindiya caddeysay inaysan ka soo laaban doonin halka ay joogta oo wax walba ka hormarin doonto danaheeda, isla markaana tallaabooyinka ku habboon qaadi doonto si looga hortaggo canshuurta Trump.

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %