Jamhuuriyada Somaliland ayaa hada shaacisay in ay u madax-banaan tahay awood buuxda u leedahay maamulka hawadeeda

Read Time:41 Second
Jamhuuriyada Somaliland ayaa hada shaacisay in ay u madax-banaan tahay awood buuxda u leedahay maamulka hawadeeda sidoo kalena waxay shaacisay in dhawaan la furi doono Terminal-ka labbaad ee Madaarka Hargeysa.
Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Fu’aad Axmed Nuux ayaa shirkii golaha wasiirada ku soo bandhigay waxqabadkii wasaaradiisa ee 6-bilood ee la soo dhaafay oo ay ka mid ahaayen:-
- Dib-u-habaynta Qaab-dhismeedka Maamul, Shuruucda iyo Siyaasaddaha Wasaaradda.
- Xoojinta Waaxda Maamulka Hawada.
- Dhismaha Terminal-ka 2aad ee Madaarka Hargeysa oo dhawaan la furi doono.
- Tababarrada Shaqaalaha Wasaaradda iyo Madaaradda.
- Dib-u-dhiska iyo Qalabaynta Xarunta Wasaaradda iyo Madaaradda.
- Kor u qaadista gunnooyinka shaqaalaha Madaaradda iyo Wasaaradda.
- Dhammaystirka Naqshada Dib-u-habaynta iyo Dhismaha Madaarka Caasimadda.
Ugu dambayntii Wasiirku waxa uu sheegay in ay Jamhuuriyadda Somaliland awood buuxda u leedahay una madaxbannaan tahay Maamulka Hawadeeda.