Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

October 5, 2025

Taliyaha ciidanka Qaranka Somaliland S/Guuto Nimcaan Yuusuf Cismaan ayaa sagootiyay Taliyihii hawlgalada gaarka ah ee Maraykanka ee barriga Afrika Colonel ED Norris oo wakhtigiisa shaqo dhamaystay,

0 0
Read Time:57 Second

Taliyaha ciidanka Qaranka Somaliland S/Guuto Nimcaan Yuusuf Cismaan ayaa sagootiyay Taliyihii hawlgalada gaarka ah ee Maraykanka ee barriga Afrika Colonel ED Norris oo wakhtigiisa shaqo dhamaystay,
Sidoo kale Taliye Nimcaan Yuusuf Cismaan ayaa soo dhaweeyay Taliyaha cusub ee hawlgalada gaarka ah ee Maraykanka ee barriga Afrika Col. Benander.

Taliye Nimcaan Yuusuf Cismaan ayaa si heer sare ah u sii sagootiyay Taliye Colonel ED Norris oo muddadiisi shaqo dhamaatay , Waxaanu uga mahadnaqay wada shaqayntii ka dhaxaysa muddadii uu xilka hayay.

Taliyihii hore ee Ciidamada hawlgalka gaarka ah ee Markaynka ee barriga Afrika Colonel ED Norris ayaa geestiisa si wayn ugu mahadnaqay Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland S/Guuto Nimcaan Yuusuf Cismaan doorkiisa xoojinta iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa Ciidamada labbada Dal uu ka qaatay muddadii uu xilka hayay isagoo tilmaamay in xidhiidhka arrimaha difaaca ee ka dhaxeeya labbada Dal uu sii xogaysanayo kuna faraxsan yahay wixii u wada qabsoomay ciidamada labbada Dal Somaliland iyo Maraykanka muddadii uu shaqada ku jiray.

Geesta Kalena Taliyaha guud ee Ciidamada Qaranka Somaliland S/Guuto Nimcaan Yuusuf Cismaan wuxuu soo dhaweeyay Taliyaha cusub ee ciidamada hawlagalka gaar ah ee Maraykanka ee barriga Afrika Col. Benander.

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %