Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku bogaadisay Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald J. Trump hadalkii uu warbaahinta ka sheegay dhawaan ee la xidhiidhay inay eegayaan aqoonsiga JSL.
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku bogaadisay Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald J. Trump hadalkii uu warbaahinta ka sheegay dhawaan ee la xidhiidhay inay eegayaan aqoonsiga JSL.
Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr), ayaa qoraal uu ku baahiyay barta X (Twitter) oo ay soo turjuntay Wakaaladda wararka ee SOLNA, wuxuu ku sheegay in ay ku ammaanayaan go’aan qaadasgadiisa la xidhiidha inuu xoojinayo wada shaqeynta Somaliland iyo Maraykanka.
“Anigoo ku hadlaya afka Madaxweynaha iyo Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxaan halkan uga gudbinaynaa mahadnaq qoto dheer Madaxweyne Donald J. Trump, oo asn bogaadinayno hoggaamintiisa aragtida dheer leh iyo go’aan qaadashadiisa ku wajahan xoojinta iskaashiga Somaliland,” ayuu yidhi Afhayeenka Madaxweynuhu.
Afhayeen Xuseen Deyr wuxuu xusay in hadalka Madaxweyne Trump ka turjumayo sida uu u arko kaalinta Somaliland ka ciyaari karto horumarka iyo nabada Geeska Afrika. Wuxuuna yidhi “Hadalkii uu jeediyey Madaxweyne Trump 8-dii bishan Ogost 2025, wuxuu ku yaqiinsaday 34-kii sanno ee la soo dhaafay sida daacadnimada ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ugu taagnayd nabadda, dimuqraaddiyadda, iyo horumarka, waxaannu hadalkiisu iftiiminayaa doorka muhiimka ah ee Somaliland ku leedahay ilaalinta xasilloonida iyo horumarinta gobolka Geeska Afrika.”
Mr. Deyr waxa kaloo uu u mahadnaqay Dawladda Mareykanka oo uu ku sifeeyay bahwadaag mabda’ leh oo ay aqoonsatay guullaha ay gaadhay Jamhuuriyadda Somaliland. Wuxuuna tilmaamay in Maraykanku xaqiijiyay aragti wadaaga mideeya labada dal.
“Hoggaaminta Madaxweyne Trump iyo taageerada joogtada ah ee Aqalka Sare, Golaha Wakiillada, iyo Wasaaradda Difaaca ee Mareykanku waxay xoojisay xidhiidhka iskaashi iyo ixtiraamka wadajirka ah ee ka dhexeeya labadeenna shacab,”ayuu yidhi Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Xuseen Deyr wuxuu mar kale xaqiijiyay inay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ay u heellan tahay inay mar walba dhidibada u adkayso iskaashiga istaraatajiga ah ee ay la leedahay dawladda Maraykanka, kana wada shaqeyn doonaan ammaanka, horumarka JSL iyo guud ahaanba mandaqada oo dhan.
