Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

October 5, 2025

Senator-ka xisbiga jamhuuriga ka tirsan ee laga soo doorto gobolka Texas ee dalka Mareykanka, Ted Cruz , oo ah guddoomiyaha guddiga hoosaadka Senate-ka Mareykanka ee arrimaha Afrika ayaa si cad u faafiyay inuu u diiray Trump , warqad soo jeedin ah oo uu ku boorrinayo inuu aqoonsado Somaliland.

0 0
Read Time:1 Minute, 0 Second

Senator-ka xisbiga jamhuuriga ka tirsan ee laga soo doorto gobolka Texas ee dalka Mareykanka, Ted Cruz , oo ah guddoomiyaha guddiga hoosaadka Senate-ka Mareykanka ee arrimaha Afrika ayaa si cad u faafiyay inuu u diiray Trump , warqad soo jeedin ah oo uu ku boorrinayo inuu aqoonsado Somaliland.

Warqada uu la wadaag Trump , nuxurkeeda wuxuu ku yiri ; “Somaliland waxay noqotay xulafada muhiimka ah ee dhinaca amniga iyo diblomaasiyadda ee Mareykanka, iyadoo ka caawisay Mareykanka inuu horumariyo danaha amniga qaran ee Geeska Afrika iyo meelo ka baxsan. Waxay ku taallaa goob istaraatiiji ah oo ku dhow gacanka Cadmeed, meel u dhow marin-badeedka ugu mashquulka badan dunida. Waxay leedahay ciidan leh awood wanaagsan, waxayna ka qaybqaadataa hawlgallada ka dhanka ah argagixisada iyo burcad-badeednimada ee gobolka. Waxay ogolaatay in laga furo xafiis wakiilnimada Taiwan caasimadda Hargeysa, waxayna raadineysay inay xoojiso xiriirka ay la leedahay Israa’iil, isla markaana taageerto heshiiska Abraham…

Somaliland waxay wajahayaan cadaadis sii kordhaya oo ka imanaya cadawgeeda, sababta ugu weynna waa doorka ay ku leedahay inay noqoto xulafada Mareykanka iyo saaxiibada kale. Xisbiga Shuuciga Shiinaha (CCP) ayaa adeegsanaya cadaadis dhaqaale iyo diblomaasiyadeed si ay u ciqaabaan Somaliland taageerada ay u muujisay Taiwan, isla markaana u wiiqaan taageeradaas.”

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %