
Raโiisul Wasaaraha JDFI Dr. Abiy ayaa kulan wada tashi ah la uyeeshay bahda saxaafada dalka.
Raโiisul Wasaare Abiy Axmed (PhD) ayaa kalan la qaatay khubaro ka kala socotay warbaahinta dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee ka howlgala guud ahaan dalka.
RaโiisulWasaaraha ayaa boggiisa mareegaha warbaabhinta bulshada ku shaaciyay in wareegii ugu dambeeyay ee wada xaajoodyada uu la yeelanayey qaybaha kala duwan ee bulshada uu manta kusoo gabo gabeeyay latashiga bahda saxaafada dalka.
Waxa uu xusay in ay wada-hadallo la yeesheen khubaro ka kala socotay warbaahinta dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay si ay ugu kuur galaan arrimo dalka khuseeya iyo caqabadaha ka jira dhinaca warbaahinta.
Dr. Abiye Axmed ayaa sheegay in saxaafaddu ay door muhiim ah ka qaadato dadaallada horumarineed ee Itoobiya iyadoo ka shaqeyso Arimaha wacyigalinta shacabka, kobcinta wada xaajoodyada, taageeridda dadaallada horumarinta qaranka.
Xafiiska Warfaafinta Deegaanka Somalida







