DEGDEG: Dawlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa awood ku joojisay shir ay Dawladda Soomaaliya dabbada ka riixaysay oo la qorshaynayay in lagu qabto Deegaanka Ceelbuh ee barriga gobolka Sanaag.

Gudoomiyaha maamulka puntland ugu magacaaban gobolka Sanaag Siciid Axmed Jaamac(Badmaax), ayaa dadka deegaanka ka mabnuucay inay shirkaasi ka qayb galaan, isagoo geesta kalena digniin u diray hoteeladda iyo gadiidka oo uu ka mabnuucay Taariiko ay SCC-Khaatumo ku qoran tahay.
Ilo xogogaal ah ayaa noo sheegay inay Masuuliyiin ay soo dirsatay Xukuumadda Xassan sheekh Maxamuud diyaarinayay shirka Ceelbuh hadda ku sugan yihiin deegaano ka tirsan gobolka sanaag, waxayna ku wajahan yihiin magaladda Laascanood kadib markii ay xalay goor danbe guure kaga baxay deegaanka.