Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

October 5, 2025

Musharixiinta maamulka Waqooyi Bari oo ka horyimid guddiga doorashada oo ay magacowday dowladda Federaalka

0 0
Read Time:1 Minute, 30 Second

Musharixiinta maamulka Waqooyi Bari oo ka horyimid guddiga doorashada oo ay magacowday dowladda Federaalka 

facebook sharing button Share

twitter sharing button Tweet

linkedin sharing button Share

messenger sharing button Share

whatsapp sharing button
email sharing button

Axad, Agoosto 3, 2025 (ba ) – Musharraxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya ayaa si wadajir ah u soo saaray war-saxaafadeed ay ku cambaareeyeen qaabka loo wado doorashada maamulka cusub. Musharraxiintu waxay muujiyeen walaac xooggan oo ku saabsan faragelin ay sheegeen inay ka imaanayso Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka, gaar ahaan Wasiir Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), oo lagu eedeeyay inuu si toos ah u taageerayo koox gaar ah si ay ula wareegaan hoggaanka maamulka.

Waxay sheegeen in guddiga hubinta iyo ansixinta Xildhibaanada ee uu magacaabay Wasiirka aanu ahayn mid sharci ah, isla markaana u adeegaya dano gaar ah oo dhaawacaya kalsoonidii lagu qabay hannaanka doorasho. Sidoo kale, musharraxiintu waxay ka digeen in doorasho aan loo marayn hannaan wada-ogol ah ay horseedi karto kala fogaansho bulsho, burbur ku yimaada rajadii laga qabay dhismaha maamulka, iyo in shacabka laga hor istaago inay helaan hoggaan ay si xor ah u doorteen.

War-saxaafadeedka waxaa lagu caddeeyay qodobo dhowr ah, oo ay ka mid yihiin in musharraxiintu aysan aqbali doonin hannaan doorasho oo si gaar ah loogu daneynayo musharrax gaar ah, loona baahan yahay in doorashadu ku dhacdo si waafaqsan dastuurka iyo rabitaanka shacabka. Waxaa kaloo baaq loo diray isimada dhaqanka iyo hoggaanka bulshada si ay door muhiim ah uga qaataan ilaalinta midnimada iyo nabadda deegaanka.

Musharraxiintu waxay sidoo kale dowladda Federaalka uga digeen in ay qaadi doonto mas’uuliyadda cawaaqib kasta oo ka dhasha faragelinta iyo xadgudubka hannaanka doorashada, iyagoo ugu dambeyn ugu baaqay beesha caalamka, shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan daneeyayaasha siyaasadeed in aysan aqbalin hannaan laga leeyahay dano gaar ah, ayna taageeraan doorasho hufan oo lagu kasban karo kalsoonida bulshada

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %