
Kooxda Xildhibaannada Baarlamaanka UK ee ka kooban xisbiyada oo dhan ayaa warbixin ku saabsan aqoonsiga Somaliland ka jeedin doona baarlamaanka Ingiriiska maalinta Khamiista toddobaadkan oo ku beegan 65 guurada ka soo wareegtay markii Somaliland xornimada ka qaadatay boqortooyadii UK 26kii June 1960kii.
Sidaasna waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed ay soo turjuntay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, oo uu soo saaray Xildhibaan Gavin Williamson oo guddoomin doona shirka ay xildhibaannada taageera qaddiyadda Somaliland ka jeedin doonaan baarlamaanka UK.
Xildhibaanku wuxuu sheegay kooxdan xildhibaannada ah loo sameeyay inay kor u qaadaan fahamsiinta dawladooda ee ku wajahan dawladnimada, dimuqraaddiyadda iyo nabadgelyada ka jirta Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dal madaxbannaan oo ku yaalla Geeska Afrika.
Warbixinta ay kooxda xildhibaannada ahi ka jeedinayaan baarlamaanka UK ayaa loogu magac daray “Hayaanka tubta aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland”, waxaana ay dawladda Ingiriiska ugu baaqayaan inay aqoonsato Somaliland sababo dhaqaale, istaraatajiyaddeed iyo niyadsamida ku wajahan in Somaliland ay noqon doonto dal xulafo la ah Ingiriiska oo ay ka jirto dimuqraaddiyad isla markaana ku taalla gobolka qasan ee juquraafi ahaan muhiim ah.
Warbixinta Xildhibaannadu waxa ay si gaar ah diirrada u saaraysaa doorka shariifka ah ee ay tahay in UK ka qaadato aqoonsiga Somaliland, iyadoo la xeerinayo xidhiidhka taariikheed ee qotoda dheer ee ka dhexeeya labada dhinac, isla markaana bulsho badan oo reer Somaliland ahi ay ku nool yihiin Ingiriiska.
Sir Gavin wuxuu yidhi: “Dunida maanta waxay noqotay mid sii adkaanaysa oo aan la saadaalin karin, sidaas darteed Boqortooyada UK waxay u baahan tahay saaxiibo iyo xulafo kasta oo ay heli karto. Somaliland waa dal xasiloon oo dimuqraadi ah iyadoo caqabado badan ay hor taagnaayeen, waxaanay tusaale wanaagsan u yihiin maamul wanaagga iyagoo ku yaalla gobol fowdo badan.”
Xildhibaannadu waxa ay faahfaahin doonaan sida ay Somaliland u istaahisho in la aqoonsado, maadaama oo ay la soo noqotay 1991kii madaxbannaanideedii.
Sidoo kalena, waxa ay warbixintu tilmaamaysaa in Ingiriisku uu faa’iidooyin istaraatajiyaddeed iyo masaalix dhaqaale ka heli doono aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxa guddigan xildhibaannada ah guddoomiye u ah Mudane Gavin Williamson, halka Kim Johnson ay tahay guddoomiye ku-xigeen, Xildhibaan Abtisam Mohamed iyo Lord Udny-Lister oo ah
Xunbaha kooxda baarlamaanka ingiriiska ee taageera Somaliland, kuwaasi oo ka wada tirsan xisbiyada dalkaas oo dhan.