
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxman Cirro oo booqasho rasmi ku jooga magaalada Doha ee dalka Qatar ayaa kulan la yeeshay raysal wasaaraha ahna wasiirka arimaha dibada ee Qatar. Inkasto aan la shaacin xogaha ka soo baxay kulankaas haddana ilo xogogaal ah lana socda wada hadalada iyo kulamada labada dhinac ee Somaliland iyo Qatar ayaa sheegay in qodobada diirada la saaray ay ka mid yihiin
In Labada isla qireen muhiimadda ay leedahay dib‑u‑furista wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya, taas oo Qatar ay martigelin karto, isla markaana ay ka shaqeynayso sidii dib loo dhisi lahaa jawi wadaxaajood.
In Xukumada Doha ay markan qaadato doorka dhex-dhexaadinta, taas oo bedeli karta tiirarka istaraatijiyadda diblomaasiyadeed ee gobolka.
Waxaa si qoto dheer looga wada hadlay arrimaha amaanka, gaar ahaan xasilinta Bad Cas iyo Gacanka Cadmeed, taas oo ku saleysan dano istiraatiiji ah oo wada jir ah.
Qatar ayaa muujisay rabitaan cusub oo ku saabsan iskaashiga militariga ee gobolka, taasoo tilmaamaysa inay diyaar u tahay in ay door ka qaadato amniga gobolka, oo ay ku jirto Somaliland.
Wadahadalka waxaa xoogga lagu saaray sidii loo horumarin lahaa iskaashi dhaqaale, maalgashi, iyo mashaariic ka jira dekedda & kaabayaal kale oo dhaqaale.
Qatar ayaa laga filaya inay soo bandhigto mashaariic cusub ama taageero maalgashi si ay Somaliland u noqoto jardiino diblomaasiyadeed iyo mid dhaqaale oo dhisan.
Qodobada aynu kor ku xusnay ayaa u badnaa qodobada looga hadlay kulanka weftiga Madaxweynaha JSL iyo Dowlada Qatar.
Doorkan Qatar ayaa xilka dhex-dhexaadinta wada hadalada kala wareegaysa dalalka sida Turkiga, Djibouti iyo Imaaraatka taas oo abuuraysa jawi markale lagu bilaabi karo wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya
Si kastaba ahaate waxaa jira walaacyo kasoo baxaya daacadnimada dowlada Qatar ee wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya taas aan aniguba amiinsanahay in wakhtigan aan loo baahnayn wada hadalo wakhti lumis ah oo lala galo Soomaaliya.




