Read Time:25 Second
Xukuumada Somaliland oo Qaramaynaysa Ciidamada Madaniga ah.
Sida Luqmaan Media ila xog-ogaal ahi ay u xaqiiiyeen Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Maxamed Aw Cali Cabdi iyo wafti balaadhan oo uu hoogaminayo ayaa u safraaya Magaalada Ceerigabo halkaas oo ay ka dhacayso Munaasibad lagu qarameynaayo Ciidamada Madaniga ah ee Gobolada Bariga Somaliland ku sugan.
Madax-dhaqameedka Deeganada Ciidamadaasi ka soo jeedan ayaa iyaguna u safrayaa Magaalada Ceeerigabo oo munaasibadas ka qayb gali doona.
Xisbiga Waddani ayaa wakhtigii Ololaha Balanqaaday inuu qaramaynaayo Ciidamada Madaniga ah.