Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Kenya Rigathi Gachagua ayaa madaxweynaha Ruto ku eedeeyey in uu ka ganacsado dahabka dalka Suudaan

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Kenya Rigathi Gachagua ayaa madaxweynaha Ruto ku eedeeyey in uu ka ganacsado dahabka dalka Suudaan
0 0
Read Time:39 Second

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Kenya Rigathi Gachagua ayaa madaxweynaha Ruto ku eedeeyey in uu ka ganacsado dahabka dalka Suudaan isla markaana uu arrinkaas shuraako kula yahay kooxda waddanka Suudaan ka dagaallanta ee RSF.

Mr Gachagua, waxa uu sheegay in dahabka laga soo qaado dalka Suudaan loo dhoofiyo waddanka Imaaraadka Carabta iyada oo la sii marinayo dhinaca dalka Kenya taasna ay ku wada socdaan kooxda RSF iyo madaxweynaha dalka Kenta William Ruto.

Kenya ayaa si weyn loogu dhalleeceeyey shirkii dhowaan ka dhacay magaaalda Nairobi ee caasimadda Kenya kaas oo ay lahaayeen kooxaha mucaaridka dalka Suudaan oo halkaas kaga dhawaaqay dawlad ka madax bannaan ta hadda Suudaan ka talisa, waxana soo baxay tuhun sheegaya in uu jiro xidhiidh ka dhexeeya Kenya iyo kooxda uu Imaaraadku taageero ee RSF.

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
administrator

Related Articles