Read Time:27 Second

Madaxweynaha dalka Ghana John Dramani Mahama ayaa amar ku bixiyey in la baadho dhammaanba haayaddaha iyo wasaaraddaha dalkaas ka dib markii ay soo bexeen xogo sheegaya in liiska shaqaalaha dawladda laga soo helay 81 kun oo caagle oo mushahar lagu qaadan jirey.
Dadka la ogaado in ay arrimahan caaglaha ku lug lahaayeen ayaa laga qaadi doonaa tallaabo waafaqsan sharciga dalka Ghana.
Xukuumadda cusub ee Ghana ayaa wada dedaalo lagu yaraynayo musuq maasuqa iyo in la lunsado xoolaha dadweynaha oo ah arrin si weyn u naafaysa dalalka qaaradda Afrika.
Gallaydh Media