
Wefti ay ka mid ahaayeen Wasiirka Cadaaladda Somaliland Yoonis Axmed Yoonis iyo Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Axmed Yasin Mohamed oo socdaal shaqo ku joogay wadanka Sweden, ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay guddoomiyaha Baarlamaanka wadankaas
Mr. Mr.Julia Kronlid
Kulanka, ayaa ay dhinacyadu kaga wada hadleen xoojinta xidhiidhka soo jireenka ah ee labada dal, iyo iskaashiga dhinacyada horumarinta cadaaladda, xabsiyada dalka, xuquuqal insaanka iyo dhallinyarada iyo ciyaaraha.
Dhinacyadu, waxa kale oo ay isla qaateen in Baarlamaanka wadanka Sweden ay Xildhibbaano u soo diraan Somaliland si ay u soo arkaan xaqiiqada iyo dawladnimada ka jirta gudaha Somaliland, sidoo kale na ay qadiyadda Somaliland gaadhsiiyaan Midowga Yurub.
