
BARIGA DHEXE: Ciidamada cirka ee dalka Israel oo ku qaaday. dalka Iiraan weeraro is daba joog ah oo aduunku ka yaaban yahay iyo fadeexad iyo ceeb dul hoganaysa dawladda Iiraan oo markay hanjabayso la moodi jirey inay haysataan hub ay is kaga difaaci karto weeraro uga yimaadda dibadda, balse xalay saqdii dhexe ayey ciidamadoodu ku fashilmeen inay hawadooda ka difaacaan diyaaradaha dagaalka ee dalka Israel oo dhinac walba u dhex mushaaxay dalka Iiraan oo ka war hayey in la soo weerarayo
Diyaaradaha dagaalka ee dalka Israel ee weerarada is daba joogga ku soo qaadaya dalka Iiraan ayaa la sheegay in aanay haba yaraate la kulmin wax iska.caabin ah, waxaanay midh midh u bar tilmaameedsadeen saldhigyadii ciidamada, taliyayaashii ugu sareeyey ciidanka Iiraan iyo saynisyahanadii ugu waaweynaa ee ku takhasusay sameynta hubka nukliyeerka oo ku dhintay weerarada, waxaana daqiiqad walba iska soo daba dhacaya taliyayaasha iyo saynisyahanada dalka Iiraan ee weerarada lagu dilay.
Taliyayaasha ciidanka ee weerarada qorsheysnaa lagu dilay waxaa ka mid ah, taliyihii ciidamada kacaanka dalka Iiraan Hussein Salami iyo lix ka mid ah saynis yahanadii ugu mihiimsana sameynta hubka Nukliyeerka dalka Iiraan oo i laa imika ay dawladda Iiraan magacyadooda shaacisey Abbasi-Davani iyo Mohammad Mehdi Tehranchi .
Taliyaha ciidamada kacaanka dalka Iiraan Hossein Salami ayaa dhawr saacadood ka hor intii aanu ku dhiman weerarka ka hanjabayey warbaahinta dawladda.
Raysal wasaaraha dalka Israel Benjamin Netanyahu oo ka war bixiyey weerarka ay ciidamada dalkiisu ka soo fuliyeen gudaha dalka Iiraan ayaa sheegay inay burburiyeen goobihii lagu sameynayey hubka nukliyeerka, sidoo kalena ay weerarka ku dileen taliyayaashii ciidanka iyo saynis yahanadii ugu waaweynaa ee ku hawlanaa inay hubka nukliyeerka u sameeyaan dalka Iiraan.
Raysal wasaare Benjamin Netanyahu oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay ciidamadiisu sii wadayaan weerarka i laa ay meesha ka baxayso khatarta uu sheegay inay dawladda Iiraan ku hayso dalalka ku yaala bariga dhexe oo ay ka mid yihiin dalalka muslim-ka ahi.
Warbaahinta caalamka oo dhan ayaa is waydiinaya nooca uu noqon doono jawaabta ay dawladda Iiraan ka bixin doonto weerarka xalay ciidamada cirka ee dalka Israel ay ku khaarajiyeen taliyayaashii iyo saynisyahanadii ugu sareeyey dalkaasi
War bixintan waxaan ka soo xigtay warbaahinta caalamka ee saacadihii u dambeeyey ka war bixinayey weerarada ks daba joogga ah ee lagu soo qaaday dalka Iiraan