
Read Time:31 Second
𝐒𝐚𝐰𝐢𝐫𝐨 – Agaasime-Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL, mudane Mohamed Abdirahman ayaa maanta furay shirkii saddex-biloodlaha ahaa ee laga arrinsan jirey arrimaha maamulka iyo amniga badda kaas oo ay kasoo qayb-galeen daneeyeyaasha arrimaha maamulka iyo amniga badda JSL, kuwaas oo isugu jira Wasaaradaha, Hay’addaha, Ciidamadda kala duwan ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Hay’adaha aan dawliga ahayn ee dawladda kala shaqeeya arrimahaas oo ay ka mid yihiin, EUCAP, UNODC iyo IOM.
Shirka waxa soo qaban-qaabiyey Xafiiska Isku-xidhka amniga badda ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL (Somaliland Maritime Security Coordination Office).

