Booliska Spain oo soo badbaadiyu dumar lagu soo xero geliyey shaqooyin been abuura ka dibna la geeyey meelo qarsoon.

Booliska Spain oo soo badbaadiyu dumar lagu soo xero geliyey shaqooyin been abuura ka dibna la geeyey meelo qarsoon.
0 0
Read Time:37 Second

Booliska dadka Spain ayaa soo badbaadiyey in ka badan kun oo haween ah oo ay haysteen kooxo budhcad oo dadka ku soo xero geliya qaab khiyaamo ah.

Dumarkan oo markii hore Spain lagu geeyey in ay ku shaqayn doonaan lacag aad u badan ayaa la geeyey guryo qarsoodi ah iyada oo lagula kacay tacaddiyo ay ka mid yihiin kufsi iyo dil joogto ah.

Shaqooyinka been abuurka ah ee lagu soo xero geliyo dadka u baahan in ay xoogsadeen ayaa sannadihii dambe si weyn dunida ugu soo batay, waxana xilliyo kala duwan la qabtay kooxo budhcada oo afduub ahaan u haystay dad markii hore loo sheegay in la siinayo shaqo aad u sarraysa balse markii dambe la geeyey qarsoon oo aanay cidina ogaan karin.

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
administrator

Related Articles