Read Time:24 Second
Charles King ayaa loo magcaabay in uu noqdo Safiirka waddanka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya.
Ninkan ayaa hore u soo noqday Safiirkii Ingiriiska ee dalal ku yaalla Afrika, Eeshiya iyo Yurubta gaar ahaanna Suuriya, Afgaanistaan, Liibiya, Bulgaria iyo Romania.
Waxa uu diblumaasiyadda ku jirey muddo 20 sano ah isaga oo si fiicanna ugu hadla luuqadda Carabiga.
Magcaabistiisa ayaa ku soo beegmaysa xilli ay Soomaaliya gashay jawi doorasho iyo weliba in uu Maraykanku goostay dhaqaalihii ku jaabi jirey dawladda dhexe ee Soomaaliya