Read Time:28 Second
Dawladda Kenya ayaa la filayaa in ay dalka Imaaraadka Carabta ka hesho lacag dhan 1.5 Billion Dollar toddobaadkan.
Deyntan waxay Kenya ku kaabi doontaa dhaqaaleheeda oo hoos u dhac ku yimi ka dib markii badhtamihii sannadkii hore ay bulshada waddankaasi si weyn uga hor timi cashuur kordhin lagu soo rogay taas oo sababtay bannaan baxyo gallaaftay Golihii Wasiirrada ee xukuumadda William Ruto.
Waxa xusid mudan in Haayadda Lacagaha adduunka ee IMF in Kenya ku leedahay dayn cadadkeedu dhan yahay 87 Billion oo Dollar taas oo dawladdu doonayso sidii ay u bixin lahayd.