
Dood-wadaag ku aadan Marxaladaha deegaanka ee Shalay iyo Maanta oo uu soodiyaariyay Xafiiska Warfaafinta DDS ayaa ka qabsoomay magaalada JIGJIGA.
Dood-wadaagan ayaa diirada lagu saarayey marxaladihii uu deegaanku horay usoo maray iyo tan waaqiciga ah ee uu deegaanku ku sugan yahay, iyada oo aay goobjoog u ahaayen masuuliyiin iyo qaar kamid ah haldoorka deegaanka kuwaas oo bulshada u iftiimiyay marxaladihii kala duwanaa ee uu deegaanku soomaray, sida xaaladaha Amni, Dhaqaale, Iyo Bulsho ee Maanta uu deegaanku ku sugan yahay.
Kulankani waxaa kasoo qaybgalay isla markaana dooda bulshada la wadaagay masuuliyiin, culimaa’udiin, ganacsato iyo aqoonyahano xog ogaal usoo ahaa marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray deegaanka Soomalida iyadoo hoosta ka xariiqay in isbadalkii siyaasadeed ee dalka iyo deegaankaba ka curtay uu bulshada deegaanka u horseeday deganaansho siyaasadeed, mid amni, kobaca dhaqaale iyo mid bulsho ba. Kaas oo suurta galiyay in deegaanka Soomalidu uu kamid noqdo deegaanada ugu amniga badan isla markaana uu kamuuqdo koboc dhaqaale oo xowli ah.
Ugu dambeyntii waxaa la isla qaatay in bulshada aay door muhiim ah ka qaataan horumarka iyo nabadgalayada deegaanka isla markaana lasii joogteeyo sugida xuquuqaha aadamaha ee deegaanka kahirgalay tan iyo isbadalkii, iyadoo la xaqiijinayo sareynta sharciga, dowlada ayaa loogu baaqay inay sii xoojiso latashiyada aay bulshada layeelanayso kuwaas oo lafdhabar u ah taabagalka horumarka deegaanka.



