
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqday in la kala diro madasha diblomaasiyadeed ee C6+, iyada oo ku tilmaantay mid duugowday oo aan waafaqsanayn heerka siyaasadeed iyo hay’adeed ee uu dalku maanta gaaray.
Warqad rasmi ah oo uu u diray Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, James Swan, ayuu Wasiiru-Dawlaha Arrimaha Dibadda, Cali Cumar (Cali Balcad) ku sheegay in qaab-dhismeedkan – oo in ka badan toban sano laga joogo markii la aasaasay si loogu mideeyo taageerada beesha caalamka – aanu hadda ka tarjumayn horumarka ay Soomaaliya gaartay.
“Joogteynta C6+ sida aalad lagu hago siyaasadda dibadda waa mid duugoobay oo caqabad ku ah horumarka,” ayuu Cali Balcad ku yiri warqadda. Wuxuu xusay in madashan, oo laga hirgeliyay xilli uu dalku ku jiray xaalad nugul, ay wax u dhimayso madax-bannaanida Soomaaliya isla markaana muujinayso in dalka weli la kontoroolo.
Madasha C6+ ayaa la aas-aasay kadib 2010 si ay isugu keento daneeyeyaasha beesha caalamka – oo ay ka mid yihiin Maraykanka, Boqortooyada Midowday, Talyaaniga, Iswidhan, Itoobiya, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo IGAD – si ay uga qeyb qaataan dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya kaddib sannado colaado iyo burbur hay’adeed ah.
Kooxdan ayaa door muhiim ah ka ciyaartay hannaanka doorashooyinka, horumarinta nabadda, iyo hagidda kala-guurradii siyaasadeed ee dalku soo maray. Hase yeeshee, dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in xilligii madashaasi loo baahnaa uu dhammaaday.