
๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐
Hargeysa, 18.06.2025
Fadhigii 23-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.
Ajendaha lagaga wada hadlay Fadhigii 23-aad ee Shirka Golaha Wasiirada waxa ka mid ahaa:
- ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ฌ๐ข๐ฅ๐จ๐จ๐ง๐ข๐๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐: Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Mudane Cabdalle Maxamed Carab, isaga oo sheegay in xasilloonida lixda Gobol ee dalku uu sugan yahay, xag Amni iyo xag Siyaasadeedba. Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in Shilalka Gaadiidku ay yihiin mushkilad Qaran, maadaama ay Shilalku sababaan dhimashada ugu badan dalkeena, sidaa darteedna loo baahan yahay in laga yeesho talo iyo istiraatijiyad Qaran oo lagu yaraynayo Shilalka.
- ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐๐๐, ๐๐๐ค๐ก๐ฅ๐ข๐ ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ก๐๐ช๐๐๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐: Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane, Cabdillaahi Xasan, isaga oo Golaha u sheegay in guud ahaanba dhaq-dhaqaaqa ganacsiga iyo wax kala iibsiga suuqyada dalku uu kor u kacay, taasoo tilmaan u ah kalsoonida ay muwaadiniintu ku qabaan siyaasadda dhaqaale ee Xukuumadda cusub. Wasiirku waxa uu sheegay, si loo kobciyo Dakhliga Qaranka, in Wasaaraddu ay dib u eegis iyo dib-u-qiimayn ku samaysay Cashuuraha muhiimka ah ee Dakhliga Qaranku ka soo baxo, sida:
- Cashuurta Shaqaalaha (Payroll Income Tax);
- Cashuurta Kirada (Rental Income Tax);
- Cashuurta Macaatul-Macaashka (Business Income Tax);
- Cashuurta Iibka iyo Adeega ( Goods and Service Tax)
Wasiirka Maaliyadduwaxa uu Golaha u sheegay in Dakhliga iyo Ururinta Cashuuraha Qaranka JSL ay maalinba maalinta ka dambaysa ka soo wacnaanayaan.
- ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ข๐ฆ๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐: Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Mudane Dr. Xuseen Bashiir Xirsi ayaa Golaha siiyey warbixin guud oo la xidhiidha xaaladda Caafimaad ee dalkeena, isaga oo sheegay in aanay jirin arrimo degdeg ah ama qaylo-dhaan la xidhiidha Xaaladda Caafimaadka dalka. Wasiirku waxa uu sheegay in Ololaha Dhiig-shubidu iyo Tallaalka Carruurta yar yar ay u socdaan sidii loogu talo galay. Sidoo kale, Wasiirku waxa uu Golaha la wadaagay in Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku ay ku hawlan tahay Barnaamijka Nafaqaynta Carruurta Somaliland.
- ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐๐๐ ๐๐ข๐ข๐ง๐ญ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ฐ๐ช๐๐๐๐ญ๐: Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL, Mudane Sheekh Cabdullaahi-Baashe Daahir Jaamac ayaa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey hab-sami-u-socodka hawlaha muhiimka ah ee ay Wasaaraddu Qaranka JSL uga masuulka tahay. Wasiirku waxa uu sheegay in ay Wasaaraddu wada shaqayn iyo is fahan wacan la leedahay dhammaan Culimada Dalka, fariiqa kasta oo yihiinba.
Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaraddu ay door muhiim ah ku leedahay Wacyi-gelinta Bulshada iyo ilaalinta mabaadi’da aasaasiga u ah nolosha bulshadeena sida adkaynta iyo Diinteenna Suuban, ka hortagga afkaarta khaldan ee dhaawacaya Amniga iyo Xasiloonida Dalka iyo Wadajirka iyo wada noolaanshaha ummadda JSL. Wasiirku waxa uu dul istaagay waxyaabaha Anshaxa ka baxsan ee ka socda Baraha Bulshada, waxana uu soo jeediyey in Xukuumad ahaan laga yeesho talo midaysan, meel adagna la iska taago.
- ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐ฎ ๐๐ข๐ฒ๐๐๐ซ๐ ๐๐ซ๐จ๐ฐ๐ ๐ ๐๐ฆ๐ญ๐ข๐ฑ๐๐๐ง๐ง๐๐๐ ๐๐ก๐๐ก๐๐๐๐ข๐ ๐ ๐๐ก: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska, Mudane Professor Ismaaciil Ducaale Yuusuf ayaa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey hab-sami-u-socodka Qorshaha Imtixaannada Shahaadiga ah ee guud ahaanba Dalka ka qabsoomi doona maalinta Sabtida ee ay taariikhdu tahay 21.06.2025. Wasiirku waxa uu sheegay in Sannadkan ay 40,000 oo arday u fadhiisan doonaan Imtixaannada Shahaadiga ah (fasalka 8-daad H/DH iyo fasalka 4-aad ee Dugsiga Sare). Wasiirku waxa kale oo uu Golaha u sheegay in Wacyi-gelinta Ardayda iyo Waalidiintooda ee lagaga hortagayo waxa yaqaano QISHKA ay si wacan u socoto, iyadoo ay Wasaaraddu la kaashanayso Wasaaradaha Diinta iyo Awqaafta iyo Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ),
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐






