Guddoomiyaha KULMIYE oo ka qaybgalay Kulan Lagu Falanqeeyey Doorashooyinka Somaliland

Guddoomiyaha KULMIYE oo ka qaybgalay Kulan Lagu Falanqeeyey Doorashooyinka Somaliland
0 0
Read Time:1 Minute, 3 Second

Guddoomiyaha KULMIYE oo ka qaybgalay Kulan Lagu Falanqeeyey Doorashooyinka Somaliland

Hargeysa – 23/Feb/2025 – (Warbaahinta Xisbiga KULMIYE) – Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ka qaybgalay kulan ballaadhan oo lagaga doodayey hannaanka Dimuqraadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Goleyaashada Degaanka ee u muddeysan 31-ka May, 2026.

Kulanka oo ay soo qabanqaabiyee Xarunta Dimuqraadiyadda iyo Maamul-wanaagga ee magaceeda loo soo gaabiyo (CDG) iyo Madasha Daneeyayaasha Doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo Goleyaasha Deegaanka oo ka qabsoomay Hargeysa maanta, isla markaana ay Guddoomiyaha xisbiga ku wehelinayeen Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye, Md. Faysal Cabdiraxmaan Madar iyo GudDoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, Md. Maxamuud Jaamac Warfaa waxa lagu falanqeeyey arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan kuwa soo socda.

Mawduucyada sida weyn loogu naaqishay kulanka waxa ka mid ahaa,

  • Diyaar garowga Xisbiga Kulmiye ee Doorashooyinka muddeysan 31-ka May, 2026.
  • Doorka Haweenka Someliland ee doorashooyinka iyo kaalinta Xisbiga Kulmiye ka qaadanayo.
  • Xaaladda Gobollada Bari, gaar ahaam Bariga Sool iyo Sanaag bari iyo doorashooyinka.
  • Xulashada Daneeyayaasha Doorashooyinka iyo doorka Xisbiga
  • Wada hadallada Dawlada iyo Xisbiga Kulmiye ee la xidhiidha doorashooyinka
  • Dhaqaalaha doorashooyinka iyo miisaanida 2025 ka
  • iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Mudane Maxamed Kaahin Axmed sharraxaad badan ka bixiyey qodobadaas iyo qaar kaleba halkan kala soco dhawaan Insha Allah.

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
administrator

Related Articles