
Iran Ayaa Bartilmaameedsanayan Mid Ka Mid Ah Marinada Halbawlayaasha U Ah Saliidda Ee Ugu Muhiimsan Adduunka Oo Ah Marinka Hormuz
Suuqyada Shidaalka Ayaa Kacsan Iyadoo Xiisada Iran Iyo Israel Ay Cirka Isku Sii Shareertay
Kadib Weerarkii Israa’iil Ay Ku Qaaday Iran Iyo Jawaabti Tehran Ee Ay Kaga Aargoosatay Talabiib Ayaa Sii Huriyay Cabsida Laga Qabo In Marinka Bada Ee Hormuz Uu Carqaladeeyo Ganacsiga Saliida.
Marinkan Hormuz, Waa Mid Waa Gacan isku xidha Gacanka Faaris iyo Badda Carabta, waxa uu Mara qiyaastii 20 milyan oo fuusto maalintiiba saliid iyo wax soo saarka saliida , taas oo ka dhigan ku dhawaad shan meelood marka Loo Qaybiyo shixnadaha saliidda caalamiga ah Inay Marto. Tallaabo kasta oo lagu xannibo waxay ku Culays Ku soo rogi doontaa suuqyada tamarta.
Maraakiibta Baayacmushtarka Ah Ayaa Wali Sii Maraya Marin Biyoodka Hormuz, Laakiin Taxadar Dheeraad Ah Ayyay Muujinayaan.
Iran Ayaa Horey Ugu Hanjabtay Inay Xidheyso Wadadan Marinka Bada Ee Hormus Oo Muhiim U Ah Ganacsiga Si Ay Uga Jawaabto Cadaadiska Reer Galbeedka Iyo Dagaalka Israil. Waxaanay Tallaabadan Ay Iran Ku Xidhayso Marin Biyoodka Hormus Uu Durba Cabsi Galiyay Suuqyada Caalamka Shidaalka , Waxaana Sare U Kacay Qiimaha Shidaalka.
Warsan Media
