
Iran oo Digniin Adag U Dirtay Wadamada Gobolka Ka Dib Markii Ay Ka Hadashay Suurtagalnimada Weerar Lagu Qaado Xarumaheeda Shidaalka
Tehran, 16-kii Juun 2025 – Dowladda Iran ayaa caawa markii ugu horreysay si cad u shaacisay in haddii xarumaheeda shidaalka lagu burburiyo ama si weyn loo waxyeeleeyo, aysan oggolaan doonin in dal kale oo ku yaalla gobolka Bariga Dhexe uu sii wato hawlgalka xarumihiisa shidaalka.
Javad Larijani, oo ah sarkaal sare iyo xubin ka tirsan Golaha Sare ee Iran, ayaa hadalkan ka sheegay telefishinka rasmiga ah ee dowladda, isagoo intaa ku daray in Iran “ay isticmaali doonto awood kasta oo suurtagal ah si ay uga hortagto wax isdaba marin ah oo lagu beegsado danaha dhaqaale ee dalka.”
Digniintan waxay imaneysa xilli xiisado sii kordhaya ay ka jiraan Gacanka Faaris iyo gobolka Khaliijka, halkaas oo dhowaanahan ay sare u kacday cabsi laga qabo isku dhacyo milatari oo ka dhasha khilaafka u dhexeeya Iran iyo xulafada reer Galbeedka.
Warkan wuxuu sidoo kale si toos ah ugu jeedaa waddamada Khaliijka, gaar ahaan kuwa sida joogtada ah u martigeliya saldhigyada milatari ee Mareykanka, kuwaas oo Iran ay u aragto kuwo qeyb ka ah istiraatijiyad lagu beegsanayo danaha Tehran. Dalalka sida Sacudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, iyo Qatar ayaa la rumeysan yahay in ay yihiin bartilmaameedyo ku jira xisaabta Iran, haddii xiisaddu kor u kacdo.
Javad Larijani ayaa intaas ku daray in haddii la isku dayo in la baabi’iyo ama la wiiqo awoodda shidaalka ee Iran, aysan jirin “meel ama xarun shidaal” oo gobolka ka tirsan oo ammaan noqon doonta. “Cidna kaligeed amni kuma heli doonto, haddii Iran la beegsado,” ayuu yiri.
Tani waxay noqonaysaa digniintii ugu toosnayd ee militari iyo dhaqaale ee ka timaadda Iran, tan iyo markii ay kor u kacday xiisadda la xiriirta barnaamijka nukliyeerka Tehran iyo cadaadiska caalamiga ah ee saaran.