
Isimada Beesha Warsangeli ayaa is hortaagay shir ay ku qaban lahaayeen Magaalada Ceelbuh koox Warsangeli ah oo ay ku adeegtaan Firdhiye iyo Timacade.
Shirka la joojiyey ujeedka ugu weyn ee laga lahaa ayaa ahaa iyadoo aysan beeshu shirweyn isugu iman in koox danleey ah ku dhawaaqdo in Warsangeli ku biiray Khaatumo.
Isimada Beesha Warsangeli oo uu horeeyo Suldaan Siciid ayaa aad uga carooday in magacooda lagu qaraabto oo Timacade uu dhowr jeer lacago kaga soo qaaday Xasan iyo Xamse waxa loo dirayaa Isimadii Warsangeli.
Beesha Warsangeli oo taariikh weyn oo jireen ah leh ayeey kooxo siyaasada ku saqiiray oo ka soo jeedaa doonayaan inay ku daraan Khaatumo oo kaga qaataan 17 Xildhibaan, 4 Wasiir iyo Madaxweyn ku xigeen.
Waxa iyaguna jira Xildhibaano ka soo jeeda beesha oo ku sugan Muqdisho kuwaas oo markii hore xulufo la ahaa Deni laakiin ay isku xumaadeen oo hada doonaya inay Warsangeli la soo galaan Firdhiye si uu Laascaanood ugu soo doorto oo ay kuraastoodu u badbaado.