
Read Time:27 Second
“Isra11l waxay kansar ku tahay nabadda.” Kuuriyada Waqooyi
Kuuriyada Waqooyi ayaa cambaaraysay dagaalka Isra11l ku qaadday dalka Eeraan, iyada oo ku tilmaantay “Dambi lid ku ah bani-aadam-tinimada”.
Iyada oo ka digtay in dagaalkani noqdo mid ballaadhan oo ku fida gobolka Bariga Dhexe ee colaadaha u nugul.
Af-hayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda ee Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay sida daran ee ay uga walaacsan yihiin weerarka milatari ee Isra11l ku qaadday muwaadiniinta Eeraan, xarumaha nukliyeerka iyo kuwa tamarta.
Warkan ayaa waxa baahisay wakaaladda wararka Kuuriyada Waqooyi ee KCNA.