
Itoobiya iyo Ameerika waxay sii wadi doonaan xoojinta iskaashiga nabadda iyo xasilloonida -goobelka Field Marshal Berhanu Jula
Addis Ababa, Itoobiya iyo Mareykanka waxay sii wadi doonaan iskaashigooda nabadda iyo wada shaqeynta ayuu yidhi taliyaha militariga Itoobiya Field Marshal Birhanu Jula.
Field Marshal Berhanu Jula ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminayo taliska ciidamada Afrika ee Africom General Michael Langley oo uu la hadlay.
Field Marshal Birhanu Jula ayaa xasuusiyay in Mareykanka iyo Itoobiya ay leeyihiin xidhiidh diblumaasiyadeed oo soconaya in ka badan 100 sano.
Labada dal ee saaxiibada ah ayaa sheegay in ay heshiis ka gaareen arrimo sahlaya in ay iska kaashadaan dhanka difaaca.
Marxaladda hadda jirta, waxa la isku afgartay is-faham, gaar ahaan arrimaha nabada ee Badda Cas iyo Geeska Afrika, waxa kale oo la isla gartay waxyaabihii noo suurtogelinaya in laga wada shaqeeyo danta guud.
General Michael Langley ayaa dhankiisa sheegay in Itoobiya ay tahay dal door weyn ku leh Geeska Afrika iyo mustaqbalkaba.





