
Hargeysa: 16.06.2025
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta ka qayb galay Shirweynaha 1-aad ee Carruurta Somaliland, oo ku soo beegantay Xuska Maalinta Carruurta Afrika oo la xuso 16-ka Bisha 6-aad sannad walba.
Shirweynaha 1-aad ee Carruurta Somaliland oo ah kii ugu horreeyey ee dalkeena lagu qabto, waxa si aad u qiimo badan u soo qaban-qaabisay Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska, iyada oo kaashanaysa Hayโadaha Qaranka JSL iyo Hayโadaha Caalamiga ah ee ay wada shaqaynta la leh Wasaaradda.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo halkaa ka jeediyey khudbad aad u qiimo badan, ayaa sheegay in Maalinta Carruurta Somaliland ay tahay maalin loo asteeyey is xasuusinta muhimadda uu ubadku inoo leeyahay iyo xilka culus ee dhammaan bulshada JSL ka saaran ilaalinta xuquuqda carruurta iyo sharaftooda, isla markaana aynu maal-gashano mustaqbalkooda, isaga oo yidhi:
“Waa Masuuliyad Diini ah, waa Waajib Sharci ah, waana Xil Waddaniyadeed oo qof kasta saaran.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu sheegay in aanay suurto gal ahayn in Qarankeenu uu sameeyo horumar, haddii aynaan xoogga saarin daryeelka iyo wanaagga carruurteena. In aynaan Caddaalad ka hadli karin haddii carruurteenu aanay haysan xuquuqihii aasaasiga oo ay ugu horreeyaan Waxbarashada iyo Caafimaadku.
Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in Waxbarashada, Caafimaadka iyo Nafaqada ay yihiin Tiirarka Koritaanka ubadkeenna, si ay u gutaan waajibaadka Qarannimo ee Mustaqbalka, waxana uu yidhi:
“Carruurta Somaliland waxa aan ugu bishaaraynayaa in ay udub dhexaad u yihiin Qarankooda, in Codkooda la maqlayo, in laga caawinayo gudashada waajibaadkooda, iyo sidii ay riyooyinkooda u rumayn lahaayeen.”
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ)
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐









