Read Time:36 Second

Paul Biya oo ah madaxweynaha ugu da’da weyn madaxweyneyaasha ama hoggaamiyaha dalalka Caalamka, ayaa la filayaa in uu mar kale isu sharraxo sidii uu kursiga ugu soo laaban lahaa ka dib 43 sano oo uu madaxweyne ahaa.
Madaxweynahan oo da’diisu tahay 92 jir, waxa uu dalka Cameroon taladiisa qabtay sannadkii 1982-kii waana madaxweynaha labaad ee ugu muddada dheer madaxda qaaradda Afrika iyo weliba ka ugu da’da weyn madaxda adduunka.
Kama soo muuqdo shaashadaha sannadihii u dambeeyey, waxana marar badan la faafiyey in uu dhintay balse wararkaas ayaa been noqday.
Dhowaan muuqaal kooban uu soo duubay wuxuu sheegay in ay xaq tahay in uu sii joogo xafiiska maaddama oo ay jiraan arrimo keenaya in uu weli talada sii hayo.