Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

October 5, 2025

Odayaasha Addis Ababa kusugan waa maxay sababta dhabta ah ee ay xukuumadda Mustafe Cagjar ay maanta ugaa cabanayan?

0 0
Read Time:1 Minute, 44 Second

Odayaasha Addis Ababa kusugan waa maxay sababta dhabta ah ee ay xukuumadda Mustafe Cagjar ay maanta ugaa cabanayan?

Xukuumadda Mustafe Cagjar toddobo sano ayay jogtaa maxay ugaa cabaan wayeen oo ay maanta ugaa cabanayan?

Waxaa jiraa dad badan oo Aan fahan buuxa ka haysan Xaqiiqada dhabta ah ee Odayaasha Addis Ababa ku sugan sababta dhabta ah ee kaa cabanayan Madaxweyne Mustafe Cagjar

Madaxweyne Mustafe Cagjar waxay ku didaan yihiin waa Gobollada iyo degmooyinka iyo maamul Magaalooyinka lasiiyay beelaha Direed xaqiiqadu waa intaa

Sidaas darteed waxaa muhiim ah in beelaha Direed inay Sidaas waax uu fahmaan
Cabashadooda ugu weyn waxay ku saleysan
tahay laba arrimood:

  1. Awood qaybsiga cusub ee beelaha Direed loo sameeyay

Madaxweyne Mustafe Cagjar wuxuu xukuumaddiisa ku saleeyay siyaasad ballaadhan oo lagu tirtirayo eexdii iyo caddaalad darradii lagu yaqaanay xukuumadihii hore, gaar ahaan tii Cabdi Ilay. Siyaasaddan cusub waxay fursado horleh siisay beelaha Direed oo horey looga takooray xilalka muhiimka ah ee deegaanka.

Xukuumadda Mustafe Cagjar waxay beelaha Direed siisay:Gobollo tiro leh iyo Degmooyin iyo maamul magaalooyin cusub

  1. Fikirka xagjirka ah ee Odayaasha Qaarkood

Qaar kamid ah odayaasha Addis Ababa ku sugan waxay weli aaminsan yihiin fikirkii xukuumaddii Cabdi Ilay, kaasoo ahaa in beesha Ogaadeen keliya ay xaq u leedahay in ay hogaamiso deegaanka. Waxay ka soo horjeedaan in beelaha kale, gaar ahaan kuwa Direed, ay helaan xuquuq siyaasadeed iyo matalaad dhabta ah.

Fikirkaasi wuxuu ka tarjumayaa aragti takoor ah, taasoo meesha ka saaraysa mabda’a sinnaan, cadaalad iyo awood qaybsiga beelaha Soomaaliyeed ee deegaanka wada degan.

Gunaanad: Maxaa Laga Baranayaa?

Cabashada Odayaasha Addis Ababa ku sugan waa mid ku saleysan dano gaar ah iyo waaqic siyaasadeed oo horey u dhacay. Laakiin siyaasadda maanta ee deegaanka waxay u socotaa jihada dib u heshiisiinta beelaha, sinnaanta iyo in laga baxo habkii eexda iyo kalitaliska ku dhisnaa.

Beelaha Direed, sida beelaha kale ee deegaanka, waxay xaq u leeyihiin in ay ka mid noqdaan hannaanka hoggaamineed iyo horumarineed ee deegaanka. Waqtigan xaadirka ah, xukuumadda Mustafe Cagjar waxay qaaday tallaabooyin muuqda oo la isku oggol yahay oo ku saleysan caddaalad qaybsiga awoodda iyo fursadaha.

�.see more� ShareLike fallow OGAAL MEDIA

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %