
Raysal’wasaaraha Dalka Abiy Axmed oo kulan la yeeshay wakiillada xisbiyada siyaasadeed ee dalka.
Fariin uu Raysal’wasaaraha ku daabacay bogiisa Baraha bulshada ayaa udhigay sidan:
“Furitaanka xidhxidhnaatii Siyaasadda wuxuu ahaa go’aan muhiim ah oo la gaaray 2010TI.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in laga bilaabo xilligaas, dowladdu ay joojisay aragtidii hore ee mucaaradka loogu arki jiray sidii cadow siyaasadeed, balse taa beddelkeeda ay ula dhaqantay sida bahwadaag sharci ah, si loo abuuro jawi dimuqraadi ah.
Wuxuu sidoo kale sheegay in isbeddelkaas fikirku uu salka ku hayey rajo lagu dhisayo dhaqanka wadahadalka nabadeed, taasoo ay Itoobiya u baahnayd si looga baxo dhibaatooyinka siyaasadeed.
Isagoo arrinta sii faahfaahinaya ayuu sheegay in xukuumaddu ay sanado badan la waday wadatashiyo joogto ah oo ay la yeelaneysay xisbiyada siyaasadeed ee isdiiwaangeliyey ee hoos yimaada Guddiga Doorashooyinka Qaranka Itoobiya.
Maanta, ayuu yiri, waxaan qeyb ka nahay wada-hadallada socda isbuucan ee lala leeyahay qaybaha kala duwan, gaar ahaan xisbiyada siyaasadeed, taasoo muujineysa sida muhiimka ay u tahay in la dhageysto fikradaha kala duwan ee ka imaanaya qeybaha kala duwan ee bulshada.
Ugu dambayntii, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu carabka ku adkeeyey in arrintaasi ay qayb ka tahay dadaalka lagu doonayo in lagu dhiso nidaam siyaasadeed loo dhan yahay.








