
Tani waa sheekada Sagal Axmed Kheyreeye oo ah gabadh yar oo u dhalatay Somaliland kuna bixisay wakhtigeeda wax barasho dalkeeda anfacaysa
Qoraal ay baahisay ayaa u dhignaa sidan
“Waxaa ii ahayd sharaf in aan la kulmo Xoghayaha Guud ee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Duulista Rayidka (International Civil Aviation Organization – ICAO Secretary-General), Mr. Juan Carlos Salazar.
Waxaan kale oo fursad u helay in aan kulamo aqoon korodhsi la yeesho qaar ka mid ah madaxda hay’adaha muhiimka ah ee duulista caalamiga ah, oo ay ka mid yihiin:
1.International Air Transport Association (IATA) – oo ah ururka mideeya shirkadaha diyaaradaha adduunka.
2.Airports Council International (ACI) – hay’adda matasha garoomada diyaaradaha caalamka.
3.Waxaan sidoo kale booqday xarunta dhexe ee shirkadda Bombardier, oo ah shirkad Kanadiyaan ah oo caan ku ah samaynta diyaaradaha ganacsiga (business jets).
4.Sidoo kale, waxaan kulan muhiim ah la yeeshay madaxda qaybta Badbaadada iyo Ammaanka (Safety & Security) ee Garoonka Caalamiga ah ee Montreal-Pierre Elliott Trudeau International Airport, oo ah garoonka ugu weyn gobolka Quebec kana mid ah airports ka ugu mashquulka badan ee duulimaadyada gudaha iyo caalamiga ah ee dalka Kanada.
Ugu dambeyn, waxaan booqday xarunta dhexe ee shirkadda diyaaradaha Air Canada, oo xarunteedu tahay magaalada Montreal. Waxay ahayd fursad qiimo leh oo aan ku arkay qaabka ay shirkadani u maamusho hawlaheeda, tababarka shaqaalaha, iyo adeegyada macaamiisha ee heer caalami ah.”
Qore:- Sagal Axmed Khayreeye



