Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo weli ku sugan dalka Imaaraadka Carabta, oo waraysi siiyey Warbaahinta Sky news Arabic, ayaa wax laga waydiiyey arrinta maalmahan sida weyn loo hadal hayo ee ah in Trump doonayo dadka reer Falastiin in la geeyo Somaliland waxana uu Cirro sheegay in ay la dareen yihiin dadka reer Falastiin, ayna ku biirayaan dedaallada waddamada Carbeed ee arrinkan ku Jawahan gaar ahaanna diidmada ka dhanka in la barakaciyo dadka reer Falastiin. Isaga oo xusay in ay Maraykanka xidhiidh la lee yihiin oo mawqifkooda ay u marinayaan meelaha ay ku wada xidhiidhaan.
” Maraykanka waxa naga dhexeeya xidhiidh, wax kasta oo arrinkan ku saabsanna waxaannu u marin doonnaa waddooyinka Diblumaasiyadeed ee naga dhexeeya, reer Falastiin waa walalaahayo. Waanuna la dareennahay, inta karaankayga ah waxaannu ku biirinaynaa dedaallada waddamada Carbeed ay wadaan ee arrinkan ku wajahan”