Taliyaha ciidanka Mileteriga dalka Itoobiya Birhanu Jula ayaa maanta tegay gudaha dalka Soomaaliya isaga oo kulan la qaatay madaxda ugu sarraysa laamaha ammaanka ee Soomaaliya.
Weftiga Taliyaha oo ay qayb ka ahaayeen Agaasimaha Sirdoonka Itoobiya Ridwaan Xuseen waxay kulan la qaateen dhiggooda Soomaaliya Odowaa Yuusuf Raage iyo Cabdillaahi Sanbaloolshe iyaga oo ka hadlay sidii loo dar dar gelin lahaa hawl galka cusub ee Midowga Afrika kaas oo hadda Itoobiya ka qayb noqonayso.
Sidoo kale labada dhinac ayaa ku heshiiyey in layska kaashado dhinaca ammaanka.
Safarka Taliyaha Itoobiya oo ahaa mid aan la shaacin waxa uu ku soo beegmayaa xilli ay dawladda Soomaaliya olole ugu jirto in ciidanka Itoobiya laga qaadod deegaannada ay kaga sugan tahay maamuulka Koonfur Galbeed oo ay doonayso in la geeyo goobo kale.
Itoobiya iyo Soomaaliya oo sannadkii hore col ahaa ayaa hadda u muuqda in ay dib heshiiyeen oo laga baxay xaaladdii hore.
Gallaydh Media