
Telefishinka CNN ayaa ku warramay Trump iyo kooxdiisa inay la xiriireen hoggaamiyeyaasha sare ee Jamhuuriga kahor weerarrada uu ku qaaday xarumaha nukliyeerka Iran, balse hoggaamiyeyaasha Dimuqraadiyiinta looma sheegin qorshaha illaa kadib markii bambooyinku dhaceen.
Senator-ka Mareykanka ee Adam Schiff, oo ah dimuqraadi laga soo doorto California ayaa dhankiisa u sheegsy CNN: โMa naqaan waxa dhici doona hadda. Ma Iran baa jawaabi doonta? Ma suurtagal baa inay daadgureeyeen qaar ka mid ah agabka ka hor weerarka? Sawirrada dayax-gacmeedka waxay muujiyeen gawaari saf ku jira oo ka baxaya xarunta Fordow maalmo kahor weerarkaโฆWaa inaan filannaa in Iran ay eryi doonto kormeerayaasha, isla markaana ay ka bixi doonto Heshiiska Xakamaynta Faafinta Hubka Nukliyeerkaโ Haddii aysan horeyba u doonayn bambada nukliyeerka, hadda u raadin doonta si rasmi ah.โ