Sawirro: Agaasimaha-Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL, mudane Mohamed Abdirahman , ayaa si rasmi ah u furay tabobar ay soo qaban-qaabisay Waaxda Horumarinta Shaqaalaha ee Wasaaradu, tabobarkaas oo ay bixinayeen khubaro ka socda Jaamacadda Golis, Agaasimaha-Guud ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in si joogto ah loo kordhiyo oo loo kobciyo aqoonta shaqaalaha Wasaaradda isla markaasna ka madax ahaan ay ka go’antahay in ay muhiimad weyn siiyaan tabobarada gaagaaban ee ay shaqaaluhu u baahanyihiin.
Ugu horeyntii waxa faah-faahin ka bixiyey ujeedada tabobarka, Agaasimaha Waaxda Horumarinta Cudduda Shaqaalaha ee WAD&IC ah ee JSL, mudane Liban Yusuf Tani isaga oo ku dheeraaday, in qiimeyn ay sameeyeen ay ku ogaadeen in shaqaaluhu ay u baahanyihiin in la kobciyo aqoontooda gaar ahaan dhinacyada Hab-qoraalada warbiximaha iyo xirfadaha wada-xidhiidhka [Report writing and Effective Communication Skills], Agaasimuhu waxa uu aad ugu mahadceliyey Jaamacadda Golis oo noqotay Jaamacadii sida ugu dhakhsaha badan uga jawaabtay in ay tabobarkaas fuliso isla markaasna ay ahmiyadda ugu weyn siin doonaan Jaamacadda Golis si ay u daboosho baahiyaha tabobar ee ay shaqaalaha wasaaradu qabaan.
Tababorka oo ah mid lagu kobcinayo aqoonta Hab-qoraaladda Toolmoon ee warbiximaha iyo xirfadaha wada-xidhiidhka ee guud ahaan shaqaalaha wasaaradda gaar ahaan Agaasime-waaxeedyadda iyo Madax-qaybeedyadda Wasaaradda oo ah shaqaalaha halbowlaha u ah shaqada maalinlaha ah ee Wasaaradu ugu adeegto muwaadiniinta Jamhuuriyadda Somaliland.
Ugu dambeyn, Agaasimaha-Guud waxa uu kula dardaarmay kuna adkeeyey shaqaalaha inta uu tabobarku socdo in ay ilaaliyaan wakhtiga isla markaasna ay weeleeyaan aqoonta iyo xirfadahaas ay baran doonaan, lagana filayo in isbedel deg-deg ah laga dareemi doono shaqadooda.



