Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Marwo Kaltuun Sh. Xasan Cabdi, ayaa guddoomisay shirka Guddiga Sare ee Maamulka Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF –

Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Marwo Kaltuun Sh. Xasan Cabdi, ayaa guddoomisay shirka Guddiga Sare ee Maamulka Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF –
0 0
Read Time:1 Minute, 3 Second

Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Marwo Kaltuun Sh. Xasan Cabdi, ayaa guddoomisay shirka Guddiga Sare ee Maamulka Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF – Steering Committee JSC), oo ka qabsoomay Hotel Ambassador, Hargeysa.

Shirkan, oo la qabto saddexdii biloodba halka mar ayaa lagaga arinsadaa mashaariicda SDF laga maalgeliyo, halka ay marayaan, caqabadaha jira, iyo qorshayaasha mustaqbalka.

intii uu shirku socday, waxaa warbixin laga dhageystay masuuliyiinta ka shaqeynaya hirgelinta mashaariicda, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa hufnaanta iyo waxtarka barnaamijyada horumarineed.

Sidoo kale waxaa kulanka lagaga hadlay muhiimadda iskaashiga u dhexeeya dowladda Somaliland iyo qaadhaan bixiyaasha si loo xaqiijiyo yoolalka horumarineed ee SDF, loona dardargeliyo mashaariicda waxtarka u leh bulshada.

Guddigan ayaa ka kooban wakiillada wadamada ku mideysan Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) iyo xubno ka socda dowladda Somaliland, gaar ahaan Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Marwo Kaltuun Sh. Xasan Cabdi iyo Wasiirka Maaliyadda Cabdilaahi Maxamed Xasan. Sidoo kale waxaa shirka qayb ka ahaa Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Cumar Shucayb Maxamed, Wasiirka Kalluumaysiga, Cali Jaamac Buureed, iyo Maareeyaha Wakaalada Horumarinta Wadooyinka Maxamed Faarax Cabdi.

Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee (SDF) waa deeq lacageed oo lagu taageero dawladda Somaliland si ay u fuliso barnaamijyo kor loogu qaadayo Horumarinta Somaliland kuwaas oo waafaqsan Qorshaha Horumarinta Qaranka, sanduuqan waxaa maalgeintiisa iska kaashaday dalalka Ingiriiska, Denmark, Norway iyo Netherlands.

Happy
Happy
100 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
administrator

Related Articles