NewsAlert Wasirka arimaha dibada somaliland oo waraysi siyay Wargeyska #Jeeusalem_Post?
Sida lagu daabacay Jerusalem Post oo Israaโiil laga leeyahay, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa sheegay in Somaliland aysan meesha ka saarin suurtagalnimada inay qaabisho qaxootiga reer Gaza, balse wuxuu caddeeyey in arrintaasi aan weli laga wadahadlin.
Wasiirka oo la hadlayey warbaahinta Israel ee KAN ayaa ku sheegay qoraal rasmi ah in Somaliland diyaar u tahay inay ka hadasho arrin kasta, balse aysan dooneynin in la saadaaliyo wax aan weli laga wadahadlin. Wuxuu intaas ku daray in waddan kasta oo danaynaya inuu Somaliland kala hadlo arrimahaasi uu marka hore la sameeyo xidhiidh diblomaasiyadeed oo rasmi ah, isla markaana xafiis ka furo Somaliland.
Warbixintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo la sheegay in mas’uuliyiin Maraykan ah iyo Israaโiiliyiin ay la xidhiidheen saddex dawladood oo ku yaalla Bariga Afrika si ay ugala hadlaan suurtagalnimada in la dejiyo dadkii ku barakacay dagaalka Gaza.
Arintani waxay imaanaysaa xilli Somaliland ay raadineyso aqoonsi caalami ah, iyadoo horey xidhiidho ula sameysay dalal badan oo caalamka ah.