
Xiisadda bariga dhexe iyo xaalka sida uu hadda yahay.
Gobolka Xasaasiga ah ee Bariga dhexe waxa uu galay jawi colaadeed kii abid sannadadan ugu weynaa. Iran iyo Sraa’iil ayaa is dhaafsanaya weeraro toos.
Iran habeenkii xalay waxa ay qaaday mawjado weeraro ah oo ay ku bar tilmaamsatay saldhigyada, xarumaha dawladda iyo dhammaanba goobaha muhiimka ah ee Sraa’iil. Inta la xaqiijiyay laba ruux ayaa ku geeriyooday boqolaal kalena way ku dhaawacmeen.
Gantaalaha Iran waxa ay ka gudbeen oo soo dhaafeen nidaamka difaaca ee Iron Dome ka loo yaqaanno kaas oo lagu tilmaami jirey mid iska difaaci kara gantaalaha meesha dheer laga soo rido.
Siidhiga digniinta ayaa is qabsaday magaalooyinka waaweyn, waxana dadka lagu amray in ay galaan dhulka hoostiisa.
Inkasta oo Talbiib hoos u dhigtay in la helo xogta khasaaraha gaadhay haddana ilo madax bannaan oo u warramay Warbaahinta Reuters waxa ay sheegeen in khasaaruhu uu aad u badan yahay, ayna jiraan dhimasho iyo dhawaac soo gaadhay dad ku sugnaa dhismeyaal dhaadheer oo ku yaalla badhtamaha magaalada caasimadda ah ee Talbiib.
Iran, oo shalay laga dilay 20 sarkaal oo ay ku dhaadan jirtay, waxa ay xalay samaysay weerar rogaal celis ah oo lama filaan ku noqday Sraa’iil iyo waddamada taageera ee reer Galbeed ka dib markii ay ku beegsatay ilaa 5 weerar oo is xig xigay.
Xogtu waxa ay tibaaxaysa in gudaha Sraa’iil lagu tuuray ilaa 100 gantaal oo ka yimi dhinaca Iran kuwaas oo qaarkood ay dumiyeen dhismeyaashii dhaadheeraa ee ku yaallay badhtamaha Talbiib kuwaas oo sawirro laga soo qaaday ay muujinayaan bur bur laxaad leh oo soo gaadhay.
Hawada waddmada Iran, Ciraaq iyo Suuriya ayaa gebi ahaanba xidhan waxana la joojiyey diyaaraddihi safarka ee halkaas tegi lahaa maaddama oo laga cabsi qabo in ay waxyeello ka soo gaadho duqaymaha hawada laysku dhaafsanayo.
Qiimaha shidaalka ayaa si weyn sare u kacay 14%, sidoo kale waxa caqabad wajahaya gacansigiii ka gudbi jirey Gacanka Hormus oo ah gacan aad ugu dhow Jamhuuriyadda Iran.
Weerarad ayaa la filayaa in ay sii socdaan toddobaadkan, waxana laga cabsi qabaa in uu xaalku isu rogo dagaal fool ka fool ah oo dhex mara Iran iyo Sraa’iil kaas oo guud ahaanba saamayn doona dacallada Adduunka.
Maraykanku waxa uu sheegay in Iiraan ay weli haysato fursad ay ku burburiso hubkeeda Nukliyeerka si ay nabad ah hesho.
Iiraan dhankeeda waxa ay sheegtay in ay markii hore diyaar u ahayd wadahadal ay arrintan kala gasho Maraykanka balse hadda ay diyaar u tahay oo keliya wax iska celin.
Waddamada Carabta qaar ka mid ah ayaa gacan siinaya Is’riil halka kuwa kalena keliya canbaareeyeen weerarka .