
Xildhibaannada Beesha Xawaadle ku metala Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreyay walaac ka muujiyay wararka sheegaya in xilka laga qaadayo Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), kadib isbedello la filayo inay dhacaan.
Xildhibaan Maxamed Buraale oo reer Hiiraan ah ayaa bannaanka keenay walaaca ay beeshooda ka qabto, haddii xilka laga qaado Sanbaloolshe, oo lasoo wariyay in lagu beddalayo Mahad Maxamed Salaad oo uu horay xilkaasi ugala wareegay.
Buraale ayaa sidoo kale tilmaamay in arrintan ay tahay wax laga naxo, isla markaana niyad-jabineyso ciidamada Macawiisleyda reer Hiiraan ee la dagaalamaya Al-Shabaab.
Waa wax laga naxo in suuqa la geliyo, Sanbalolshe ayaa xilka looga qaadayaa, si loo niyad jebiyo Macawisley iyo mujaahidiinta dagaalka kula jira Shabab, bal ha naloo fasiro sababta” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Buraale oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Hadalka ayaan kusoo aadayo , iyada oo haatan la filayo in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaarihiisa ay sameeyaan isbedallo waa wayn oo dhanka talisyada ciidanka ah, waxayna go’aan ku gaareen in la qaado tallaabo deg-deg ah, si looga hortago sii socoshada fashilka ka imaanaya dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab.
Is-bedelka la qorsheeyey ayaa la sheegay inuu ka bilaabanayo xilka Taliyaha NISA, xubnaha noo waramay waxay sheegeen in madaxda qaranka ay ku qanceen in Mahad Salaad lagu soo celiyo booskiisii hoggaanka NISA.
Sidoo kale Is-baddelada kale ee la qorsheeyey ayaa la sheegay inay saameyn doonaan Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo taliyaasha hoose ee ciidamada xoogga dalka.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay inuu ka xumaaday inay baxdo xogta dib u magacaabidda Mahad Salaad oo maalmo ka hor qabsatay baraha bulshada.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa la sheegay in xogtaan ay ka baxday, wararku waxay intaas ku darayaan in saraakiisha miiska saaran ee dib loo soo celinayo uu ku jiro Taliyihii hore ee Ciidanka Dhulka Jeneraal Biixi.
Waxaa kale oo suurtagal ah, in Biixi loo magacaabo Abaanduulaha Ciidanka Xoogga oo meesha laga saaro boosta Taliyaha Dhulka,qorshahaan waxaa la yimid Taliyaha Ciidanka Xoogga Jeneraal Odawaa.