Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in dad bara-kacayaal ah oo tiradoodu gaadhayso ilaa 87 kun oo qof dib loogu celin doono degaannadii miyiga ee ay ka soo barakeec

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in dad bara-kacayaal ah oo tiradoodu gaadhayso ilaa 87 kun oo qof dib loogu celin doono degaannadii miyiga ee ay ka soo barakeec
0 0
Read Time:45 Second

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in dad bara-kacayaal ah oo tiradoodu gaadhayso ilaa 87 kun oo qof dib loogu celin doono degaannadii miyiga ee ay ka soo barakeec, si ay uga baxaan xeryaha ku yaala magaalooyinka Somaliland ee ay ku jiraan muddo ka badan 15 sanno.

Sidaana waxa sheegay Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta Somaliland Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac oo xusay in qorshahan uu soo dedejiyey kadib markii Maraykanku uu joojiyey deeqihii caalamiga ah ee ay bixin jirtay Hayโ€™adda USAID ee la siin jiray dadka bara-kacayaasha ah.

“Dadkan barakacayaasha ah waxa aanu u samaynaynaa dib-u-dejin, waxaanu u iibinaynaa xoolo, beero iyo ganacsi yaryar-na waanu u diyaarinaynaa, si dadkan uga baxaan xeryahan ay ku jiraan oo dhibaatooyin badan ku haystaan.

Miisaaniyadda ayaanu dhaqaale ugu daraynaa si aanu qorshahan u hirgelino, hay’addaha caalamigana waanu la kaashanaynaa,โ€ ayuu yidhi Wasiirka Dib-u-dejinta Somaliland oo u waramay BBC-da.

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
administrator

Related Articles