Trump iyo Putin, ayaa oggolaaday kulankii u horreeyay ee ka fool-ka-fool ah inay yeeshaan

Trump iyo Putin, ayaa oggolaaday kulankii u horreeyay ee ka fool-ka-fool ah inay yeeshaan, kaa oo noqonaya midkii u horreyay, tan iyo markii dagaalka Ukraine uu billowday uu Putin la kulmayo madaxweyne Mareykan ah.
La-taliyaha aqalka Ruushka ee Kremlin-ka, Yuri Ushakov ayaa maanta u sheegay warbaahinta ; “ Markii ay Mareykanka soo jeediyeen kulanka, waxaa la gaaray is-afgarad hordhac ah si shir labada dhinac ah loo qabto maalmaha soo socda….Hadda waxaan la shaqeynaynaa Mareykanka si aan u diyaarinno faahfaahinta kulanka. Toddobaadka soo socda ayaa loo asteeyay inuu noqdo xilliga uu dhacayo, waxaa kaloo dib laga sheegi doonaa goobta uu ka dhacayo.”
Ushkov, waxaa kaloo uu xaqiijiyay inay ka aamuseen, markii ergayga Trump ee bariga dhexe , Steven Witkoff oo shalay booqday Moscow uu soo jeediyay in sidoo kale kulanka lagu soo daro madaxweynaha Ukraine , Zelensky, taa oo la macno ah inuusan imaan karin goobta uu ka dhacayo kulanka Trump iyo Putin.