Read Time:25 Second
Dawladda Putland ayaa sii daysay Markabkii hubka siday ee Sea World ka dib markii ay dawladda Turkigu wada xaajood la gashay madaxweynaha Putland Siciid Cabdillaahi Deni.
Putland ayaa sheegtay in Turkigu uu keenay caddaymo muujinaya in ay iyagu lee yihiin hubkii Markabkaas saarnaa taa darteena ay go’aansadeen in Markabkaas loo sii daayo.
Safiirka Turkiga u fadhiyey Soomaaliya oo maanta tegay magaalada Boosaaso ayaa madaxweynaha Putland kala hadlay arrinka Markabkan oo bishii hore gacanta lagu soo dhigay xilli uu marayey xeebaha Bareeda ee gobolka Bari.